4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2020
Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland oo sheegay inay la xisaabtami doonaan wasiir Goodax
 

Isniin, Feberaayo, 03, 2020 (HOL)- Xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Puntland, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho waxay kasoo horjeesteen hadalkii kasoo yeeray wasiir Goodax ee ahaa in aysan dowladdu Shahaado siindoonin ardayda Puntland.

Xidhibaanadaan ayaa ku eedeeyay wasiir Goodax inuu si ku tafrifal ah u addeegsanayo awoodda dowladda federalka islamarkaana uu ku tumanayo xuquuqda ay leeyihiin qeyb kamid ah ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanadu waxay sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya ku eedeeyeen inuu isagu burburiyay wada hadaladii lagu doonayay in lagu dhameeyo khilaafka waxbarashada labada dhinac.

Waxay sheegeen inay qaadidoonaan tilaabooyin ay kula xisaabtamayaan  wasiirka ayna la kulmidoonaan madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, iyagoo ka dalbanaya inay qaadaan tilaabo looga jawaabayo xadgudub ay sheegeen in lagu sameeyay ardayda Soomaaliyeed ee reer Puntland.

Xildhibaanada waxay hadalkooda ku dareen in ay tagidoonaan Puntland oo ay la kulmidoonaan wasaaradda waxbarashada Puntland, si eedaha Puntland lafteeda looosoo jeedinayo usoo arkaan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]