4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2020
Daacish oo doonaysa inay si aad ah iskugu ballaariso qaaradda Afrika kadib guuldaradii Iraq iyo Sria
 

Isniin, Feberaayo, 03, 2020 (HOL)- Warbixin uu daabacay bog ka faallooda xogaha ururada argigixasada ayuu kaga hadlay joogitaanka ururka Daacish ee Soomaaliya, kadib markii ururkaas uu khasaarooyin ba'an ka soo gaadhay dagaaladii Ciraaq iyo Siiriya taas oo keentay inuu lumiyo dhul badan oo ay ka talinayay.

Warbixintu waxay sheegaysaa in ISIS ay weli ku leedahay xiriir firfircoon dhanka Aasiya, Bariga Dhexe iyo Afrika  halkaas oo ay taageerayaasheedu si joogto ah oo aan caadi aheyn u weeraraan fikradaha reer Galbeedka.

Kooxdaan ayaa hadda doonaysa in dhaqdhaqaaq firfircoon ku yeelato wadamada Afrika sida, Mozambique, Kongo, Soomaaliya iyo Ethiopia ee gobolka Geeska Afrika, Masar, Libya iyo Maroco, Nigeria, Burkina Faso, Niger, Chad  iyo Mali.

Gudaha Soomaaliya, ISIS waxay ka howlgashaa buuraleyda gobolka Bari ee Puntland, caasimadda, Muqdisho iyo sidoo kale qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Kooxdan oo markii hore ka soo goostay ururka Al-shabaab sanadkii 2015, ayaa xerooyin firfircoon waxay ku leeyihiin buuraha Bari ee dowlad-goboleedka Puntland.

Sirdoonka la socda dhaqdhaaqa ururada argigixisada waxay muujiyeen in kooxdu ay leedahay ugu yaraan 500 oo askar lug ah oo mas'uul ka ah dilalka qorsheysan ee ka dhaca Soomaaliya.

Warbixinta Sirdoonka ayaa tilmaamaysa in ISS ay waddo abaabul ay u badan tahay in ay bilowdo olole toddobaadyada soo socda. Kooxda ayaa sidoo kale si firfircoon u raadineysa inay hesho taageerayaal ka soo jeeda Itoobiya si ay u xoojiso joogitaanka ISIS ee gobolka Geeska Afrika.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]