4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2020
Isku aadka ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Ohio lagu qabtay


Isniin, Feberaayo, 03, 2020 ((HOL)-Ciyaaraha xagaaga oo sanad walba lagu qabto magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka ayaa sanadkan 2020 markale diyaargarowgoodu uu ka soconaya Columbus .

Isku aadka Kooxaha oo gaarya in ka baddan 30 kooxood ayaa la soo afmeeray manta waxaana inta baddan ciyaartooydu ay ka kala imaanayaan gobolada dalkan Mareykanka iyo Canada.

Maamulka Ohio International Spring Cup ayaa sanadkan ugu magacdaray koobka  Koobkii Haweenka iyaga oo ku suntay magaca sadex gabdhood oo lagu dilay gudaha Soomaaliya kuwaas  oo ka kala tagay dalalka Canada iyo Mareykanka waa Saado Ali Warsame, Almas Elman iyo Hodan Naleye.

Inta baddan dadkii ka hadlay ayaa fursad muhim ah u arka qabashada Koobkan oo Boqolaal dhalinyara uga kala yimaadaan meela kala duwan iyada oo la buurayo is dhexgal.

Muhiimada ugu weyn ayaa ah in dhalinyarada laga mashquuliyo waxyaabaha xun xun xiliga xagaaga oo intabadan waxbarashada fasax laga yahay iyo in lagu dhiirogaliyo in ay meel fiican ka gaaraan kubada cagta.

Asbuuca Ciyaarahan ayaa magaalada laga dareemaa saxmad iyo dhalinyaro Raxan raxan u socota goobaha Soomaalidu ku leeyihiin Ganacsiga Gobolka, waxayna faaiido u tahay inbaddan ganacsatada Dukaamada, Maqaaxiyaha iyo goobaha timaha lagu jarto oo aad asbuucaas suuq u yeesha. 

Sanadwalba waxaa kulma saxiibo, Asxaab iyo Ehelo aan in mudaa maqal mooyee muuq isugu imaan waxayna iyaga oo kooxo kala taageersan ku kulmaan Garoonka iyo Hoteelada ay daganyihiin.

Ohio International Spring Cup sanadkan waxaa sii batay kooxaha ka soo qeybgalayo oo gobolo hor leh ay ku soo biireen sida ay maamulku xaqiijiyeen

Deeqo Shire (SONNA)
Columbus Ohio