4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2020
AMISOM oo soo dhaweysay doorashadii Galmudug

 

Isniin, Feberaayo, 03, 2020 (HOL)- Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobolleedka Galmudug ee maalintii shalay ka dhacday degmada Dhuusa-Mareeb.

“AMISOM waxay u hambalyeynaysaa hoggaamiyeyaasha cusub ee loo doortay Galmudug waxayna ku boorrisay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye inuu sii wado dadaallada dib-u-heshiisiinta ayaa lagu yiri”Qoraalka AMISOM.

Qoraalka AMISOM ayaa imaneysa xili ay jiraan dhinacyo wali ka soo horjeeda doorashada saameyn weyn-na ku leh marka la eego deegaannada Galmudug.

Qoraalka soo baxay AMISOM :-

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]