Jabhado ka jirey Buuhoodle iyo Sool oo shaaciyey inay u midoobeen la dagaalanka Somaliland
Isniin, Feberaayo, 24, 2020 (HOL)-Munaasabad lagu soo bandhigay midawga laba jabhadood oo ka jirey degaanada Sool iyo Cayn ayaa lagu qabtay magaalada Buuhoodle, kuwaas oo u midoobey la dagaalanka maamulka Somaliland.
Qodobo dhawr ah oo laga soo saaray ayaa waxaa ka mid
ahaa midowga labada jabhadood oo awleba sitey magaca SSC, waxa kale oo
ay ku heshiiyeen nabadaynta iyo turxaan bixinta beelaha ay ka soo
jeedaan.
Qodobada kale ee ay kulankaasi maalmihii
la soo dhaafay u socdey ayaa waxa ka mid ahaa in ay xodhiidh dhow la
samaysanayaan dhamaan maamulada aaminsan midowga umada Soomaaliyeed iyo
dawlada Federaalka, in meel ay uga soo wada jeestaan la dagaalanka
Somaliland si ay uga saaraan dhulka ay ka haystaan sida ku cad
heshiiskooda oo sagaal qodob ka koobnaa.
Cabdirashiid
Xuseen Cali iyo Faysal Maxamed Falaalug oo halkaasi ka hadlay ayaa
waxay sheegeen labaduba in ay sababtay shirkani tafaraaruqa ka jira
jabhadaha degaanka Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC), iyo sidii loo midayn
lahaa quluubta dadkooda, waxaanay xuseen midnimada umada Soomaaliyeed in
ay u taagan yihiin.
Cuqaal, waxgarad iyo duqey halkaasi ka hadlay ayaa waxay Jabhadan u muujiyeen in ay maal iyo muruqba la garab taagan yihiin.
Jabhadahan
oo qaarkood sanado badan ay dagaal kula jireen Somalilan marar badan ay
qasaare u geyteen siiba Faysal Falaalug ayaa dadka degaankaasi degan
aaminsan yihiin colaad soo korodhay maadaamo mudooyinkii danbe ay
deganaansho dareemayeen.
Si kastaba ha ahaatee
masuuliyiinta Soomaliland waa qodax ku taagan siiba kuwa xilalka haya ee
degaanadooda ka soo jeeda iyadoo qaarkood warbaahinta la hadlay ay u
muujiyeen waxaan macno badan lahayn.