Sabti, Feberaayo, 22, 2020 (HOL)- Dumarka Soomaaliyeed ee degen Cajmaan ee dalka Isutaga Immaaraadka ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay ganacsatadii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay bandhigii carwada cuntooyinka kala duwan ee aduunka ee lagu qabtay Dubai.
newsinsideQaar ka mid ah ganacsatadii kala matalayay shirkaddo kala duwan iyo madax ka socotay hay’adda Geel ayaa ka qeyb galay casho sharaftaan ay ku maamuuseen gabadha Soomaaliyeed ee degen Ajman.
Dr. Ibrahim Dhaqane oo katirsan mashruuc GEEL ayaa ka sheekeeyay sida ay ganacsatada Soomaaliyeed kaalin firfircoon uga qaateen ka qeybgalka bandhig carweedka cunnooyinka iyo sida ay usoo jiiteen indhaha dalal badan oo doonaya inay Soomaaliya wax kasoo dhoofsadaan.
Shirkaddo badan oo Soomaaliya ayaa sannad walba uga faaidaysta in ay wax soo saarkooda ganacsi kusoo bandhigaan Carwadaan oo ay iskugu yimaadaan shirkado kala duwan, oo isagu jira kuwa wax iibinaya iyo kuwo wax iibsanaya.

Gabdhahaas Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Cajmaan ayaa iskood isu-abaabulay oo ka sameeyey xaruun wax lagu baro dhallaanka Soomaaliyeed laguna kaalmeeyo dadka dan yarta ah ee dhaqan deegaanka Cajmaan.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]