4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2020
Somaliland oo baaq u dirtay beesha caalamku inay ixtiraamaan aayo ka tashiga Shacabkooda

 

Axad, Febraayo, 02 2020 (HOL) –Xukuumadda Somaliland, ayaa beesha Caalamka ugu baaqday inay ixtiraamka dowlidnimada iyo aayo-ka-tashiga Shacabka reer Somaliland, isla markaana ay dhex-dhexaad ka noqoto wada-shaqaynta iyo xidhiidhka ay la leedahay Somaliland iyo Somaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa xukuumaddu kaga jawaabtay war-murtiyeed ay dhowaan wada-jir u soo saareen wakiillo ka tirsan beesha caalamka ee taageerada dhaqaale siisa dowladda Soomaaliya, waxaanay war-murtiyeedkoda kaga hadleen doorashooyinka Soomaaliya iyo mowqifkooda la xidhiidha sidii ay u caawin lahaayeen, waxaanay arrintan ku soo dareen oo kaga hadleen Doorashooyinka Somaliland oo ay ku soo dareen arrimaha Somalia.

War-murtiyeedkaasi beesha caalamka ka soo baxay waxa ka jawaabay xukuumadda Somaliland, waxaanu u qornaa sidan:“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeed 28 January ay si wada jir ah u soo saareen Beesha Caalamka ee ku saabsanaa sharciga doorashooyinka Soomaaliya, waxay beesha caalamka uga digaysaa wax kasta oo faragalin ah oo ka dhaca gobolka oo khatar gelinaya Dowladnimada sharciga ku dhisan, jiritaanka dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Somaliland.

Nidaamka maamul ee ku dhisan dimuqraadiyadda firfircoon ee shaqeynaysa oo dhidibbada loo taagay soddonkii sanno ee u dambeeyey, waa mid ka shidaal-qaata oo awooddiisa sharciyeed ku dhisan tahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo kaligiis ka tarjumaya rabitaanka dimuqraadiyadeed iyo aayo-ka-tashiga Shacabka Somaliland. Si kale haddii loo dhigo, waxa nasiib darro ah in war-saxaafadeed ay soo saareen Beesha caalamku inay meel isugu keento Dimuqraadiyadda ugu faca weyn bariga Africa ee Somaliland iyo Geedi socodka Tijaabada ah iyo Doorashada aan wali xalka loo helin ee Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland waxay sii wadaysaa wada-shaqaynta Beesha Caalamka iyo inay uga mahad-celiso doorkooda ku aaddan xoojinta dimoqraadiyadda curdinka ah iyo dhiirrigelinta nabadda gobolka oo ay ka mid tahay habsami u-socodka doorashooyinka Somaliland.

Somaliland iyadoo ka mid ah hormoodka ku-dayashada mudan ee horseedka u ah dimuqraadiyadda Geeska Afrika, waxay muddo dheer dhiirrigelinaysay oo kala shaqaynaysay dhammaan dedaallada lagu taageerayo sidii dimoqraadiyaddu uga hirgeli lahayd mandaqadda, iyada oo la aamisan yahay in qiyamka dimoqraadiyaddu aasaas u tahay nabad-wadaagga, xasilloonida iyo ka hortagga xagjirnimada.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland