4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2020
Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Kheyre oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa
 

Axad, Feberaayo, 02, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug.

Si lamid ah Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor”.

Madaxweyne Farmajao ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug iyo sidii looga dhabeyn lahaa rabitaan dadkeeda u ooman horumarka iyo midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa u rajeeyay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada dhammaan deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed, amni iyo horumarineed ee ka jira dhammaan deegaannada Galmudug.

Madaxweyne farmaajo ayaa ugu dambayn Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Galmudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]