4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2020
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo u hambalyeysay madaxweynaha cusub ee Galmudug
  

Axad,Feberaayo, 02, 2020 (HOL)-Safaaradda Maraynkanka ee Soomaaliya ayaa u hambalyeysay Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Warsaxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay doorashadii maanta dhacday Dhuusamareeb in ay bilow u tahay geedi socod dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo ballaaran.

Mareykanku wuxuu ugu yeeray qof walba inuu ka dhabeeyo ka qeybgalka wadahadal nabadeed oo si wadajir ah looga hadlayo caqabadaha horyaal Galmudug iyo soomaaliya.

"Galmudug waxay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya iyo amniga dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yidhi warka safaaradda.

Mareykanka waxaa uu ku celiyay inay weli ka go'an tahay xaqiijinta Soomaaliya oo nabad ah oo barwaaqo ah.

Safaaradda Maraykanka ayaa maalmo kahor sheegtay inay si dhow ula socoto geeddi socodka doorashada Galmudug, iyadoo baaq udirtay cid kasta oo saluugsanayd qaabka ay wax ku socdaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]