4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2020
Ethiopia oo qarinaysa cudur ka dillaacay dalkeeda oo dilay 684 qof
 

Axad,Feberaayo, 02, 2020 (HOL)- Ethiopia ayaa diidan inay ku dhawaaqdo tuhun la tuhmayo inuu ka dillaacay dalkeeda daacuunka. 684 qof ayaa cudurkaan ugu geeriyooday dalkeeda wax ka yar sanad, sidoo kale waxaa u jiifa 60,000.

Iyadoo laga baqayo inay saameyn ku yeelato dakhliga ka soo xarooda dhoofinta cuntada iyo dalxiiska, ayay dowladdu ku adkeysaneysaa in cudurka uu yahay shuban biyood ayna la socoto xaaladiisa.

Laakiin UN iyo hay'adaha kale ee gargaarka ee jooga Addis Ababa ayaa sheegaya in baaritaannada sheybaarka ay muujinayaan in dhimashadu ay ugu wacan tahay cudurka daacuunka.

Hay’adduhu waxay rabaan dowladdu in ay ku dhawaaqdo xaalad deg deg ah oo ku saabsan Daacuunka si kor loogu qaado wacyiga gudaha iyo in la wanaajiyo waxqabadka caalamiga ah.

Paul Hebert, oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee isku dubaridka arrimaha bini'aadannimada ee Itoobiya, ayaa sheegay in inkasta oo cudurka uusan xakamaysnayn, haddana uu ku sii faafayo qaybo cusub oo dalka ah loona baahan yahay in la caddeeyo wuxuu yahay.

"Haddii lagu dhawaaqo in cudurkaani yahay Daacuun,  waxaan arkidoonaa jawaabo aad u xoog badan oo ka imanaya deeq-bixiyeyaasha marka loo eego maalgalinta iyo abaabulidda," ayuu yidhi Paul Hebert.

Cudurka Daacuunka ayaa si dhakhso ah wax u dili kara haddii aan la daaweyn. Horraantii sanadkii hore dhowr boqol oo dhimasho ayaa laga diiwaan geliyay dalka dariska la ah ee Suudaan. Bishii Abriil caabuq ayaa laga diiwaan geliyey gobolka Gambella ee Itoobiya, taasoo keentay in shaqaalaha caafimaadka ay rumaystaan in cudurka lagu qaaday xadka.

Roobab culus iyo daadad ayaa ka caawiyay inuu cudurku ku fido siddeed ka mid ah 11ka gobol ee Itoobiya. Toddobaadkan keliya in ka badan 1,000 kiis oo cusub ayaa laga soo sheegey degmada waqooyiga ee cafarta.

Af-hayeen u hadlay wasaarada caafimaadka ee Itoobiya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Adis Ababa in walaacyada UN-ka ay xad-dhaaf yihiin. wuxuu sheegay in ay dowladda Ethiopia dadaallo culus ku bixineyso wax ka qabashada cudurka dillaacay.

Dalal kale oo Afrikaan ah ayaa diiday in ay qiraan in daacuun ka dillaacay iyaga oo ka baqaya in ay waxyeelleeyaan dhaqaalahooda. Qaramada Midoobay awood uma lahan inay ku dhawaaqdo cudur faafa waana inay raacdaa hagida wasaarada caafimaadka ee dal kasta.

Laakiin xilli roobaadka oo la filayo bilaha soo socda, shaqaalaha samafalka ayaa ka walaacsan in tirada dadka dhimashadu ay si aad ah kor ugu kici doonto haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]