4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ka dhalatay duulaanka Ayaxa
 

Axad,Feberaayo, 02, 2020 (HOL)- Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo qaran iyadoo la eegayo Ayaxa ku habsaday Soomaaliya qeybo kamid ah taasoo khatar weyn ku ah xaaladda sugnaanta cunno ee Soomaaliya.

"Marka la fiiriyo xaaluf ba’an ee Ayuxu ku hayo dhul beereedka , waa inaan sameyneynaa dadaalkeena ugu wanagsan si aan u ilaalino haqab beelka cuntada iyo maciishada dadka Soomaliyeed. Hadaanan tilaabo ka qaadin hadda, waxaan halis ugu jirnaa dhibaato daran oo cunno la’aan ah," ayuu yiri Saciid Xuseen Iid Wasiirka Beeraha & Waraabka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay qatarta Ayaxa u muujineyo xilliga Gu ee soo socda. Waxay wasaraaddu tilmaamtay in ay lama huraan tahay hawlgallada xakamayntiisa, iyadoo la ilaalinayo  hab-nololeedka beeralayda iyo xoola-dhaqatada.

Dowladda Soomaaliya oo gacan ka heleysa la-hawlgalayaasheeda ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sidii loo xakameyn lahaa duulaanka Ayaxa. Waxay ku baaqday in waqti muhiim laga caawiyo beeraleyda Soomaaliyeed sidii ay u kordhin lahaayeen waxsoosaarkooda inta lagu jiro Gu, iyo in la ilaaliyo hantida xoolo dhaqatada iyo beeralayda.

Ayaxu wuxuu waxyeelleeyay qiyaastii 70,000 hektar oo dhul beereed ah oo ku yaal Soomaaliya iyo bariga Ethiopia, sida ay horey u shaacisay hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO).

Waa duulaankii ugu xumaa muddo 25 sano ah kadib.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]