4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2020
Culimadda Boorama oo soo jeediyey in badhasaabka gobolka Awdal sharciga la hor keenno

 

Axad, Febraayo 02, 2020 (HOL )–Sheekh Xasan Daheeye oo ka mid ah culimada reer Boorama ayaa badhasaabka gobolka Awdal ku eedeeyey inuu diinta caayey, waxaanu sheegay in talaabo laga qaado.

Wadaadka ayaa sheegay in dad ka ag dhowaa goobtii uu diinta ku caayey u sheegeen, inkastoo uu xusay in aanu goobtaasi joogin.

Hasse ahaatee gudoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin sabab diinta uu u caayaana aanay jirin maadama oo uu qof muslim ah yahay, waxaaanu wadaadka ku eedeeyey in uu yahay qof masaajidka ka dhigtay goob uu dadka ku caayo, isagoo tilmaamay in badhasaabyo hore uu sidaas oo kale ku sheegay in ay diinta caayeen.

Badhasaabka ayaa sheegay inuu igu soo cadeeyo arintaasi, hadii kale talaabo laga qaadi doonno, maadama oo goobtaasi ay wada joogeen dad badan oo xafladi ka socotay kamaradaha wariyeyaashuna wada shidnaayeen.

 

Sidoo kale,Sheekhul Baladka Awdal Sh.Cabdilah Sh.Cali Jawhar oo ka hadlay Kulan wayn oo Culimada iyo Bulshada magaalada Boorama ay xalay iskugu yimaadeen loogana hadlayay Badhasaabka Awdal ee loo haysto in u Diinta islaamka Aflagaadeeyay ayaa waxa u yidhi "Waxan Madaxwaynaha, Madaxwayne ku xigeenka, iyo Wasiirka gudahaba u soo jeedinayaa in Ninkaas ( Badhasaabka Awdal) Marka koowaad xasaanada laga qaado, Maxkamadna lasoo taago kadibna Sharciga islaamka lamariyo".

Si kastaba ha ahaatee, khilaaf weyn baa dhexyaalla culimada magalada Boorama iyo badhasaabka gobolka Awdal, kaasi oo lagu eedeeyey kiis adag oo ah aflagaado diimeed.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.