4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2020
Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Ku-xigeenkiisa oo maanta ka dhaceysa Dhuusa-Mareeb

 

Axad,Feberaayo, 02, 2020 (HOL)-Baarlamaanka ay Dowladdu aqoonsan tahay ee Galmudug ayaa lagu waddaa in uu maanta doorto madaxweyne iyo ku-xigeenkisa.

Doorashadan ayaa imaneysa xili dhawaan isla gudaha degmada Dhuusa-Mareeb Garabka Ahlu Sunna madaxweyne u doorteen Shaakh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay afduubta hannaankii lagu ballamay ee dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Ilaa Afar musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug halka shan musharaxna maanta u tartami doonaan qabashada xilka madaxweyne ku-xigeenka.

Dhinaca kale waxaa jira musharixiin dhowr ah oo qaadacay ka qeybgalka doorashada kuwaa oo ku baaqay in dib loo dhigo inta laga saxayo dhaliilaha jira ee loo jeedinayo dowladda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]