Banaanbax nabadeed oo lagu taageerayo Xisbiga PP oo maanta ka dhacay Jigjiga


Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)- Waxaa galinkii hore ee maanta magaalada Jigjiga ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Xisbiga ay ku bahoobeen inta badan degaannada dalka Itoobiya ee PP.

newsinsideHaddaba banaanbaxan ayaa waxaa isu soo baxay shacabka qaybihiisa kala duwan oo watay boodhadh ay ku qornaayeen hadallo ay ku muujinayeen taageerada xisbigan PP, Waxayna isugu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee magaalada Jigjiga.

Sidoo kale waxaa banaanbaxan kasoo qayb galay hoggaaminta sare ee xisbiga PP umatalaysa degaanka ee u horeeyo Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar.

Intii uu socday banaanbaxan ayaa waxaa hadallo kooban ka jeediyay mas'uuliyiinta xisbiga PP ee degaanka Soomaalida sida Madaxwayne Mustafe cagjar oo khudbadiisa si faahfaahsan ugu sharxay shacabka isu soo baxay ahmiyadda uu xisbigan PP u leeyahay degaanka Soomaalida.

Xisbigan PP ama Barwaaqo oo ah xisbi ay ku midoobeen degaannada dalku marka laga reebo degaanka Tigreega ayaa ah xisbi dadka qaarkii ka gawsqabsadeen wax yaabaha uu la imaan karo mustaqbalka.