2/21/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2020
Itoobiya oo sharci adag u sameysatay dadka baraha bulshada ku faafiya nacaybka iyo kala qeybinta bulshada


 

Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Barlamaanka dalka Ethiopia ayaa khamiistii meel mariyey sharci dhigaya in xabsiga la dhigo dadka bogaggooda internet-ka ku faafiya wararka nacaybka.

Tallaabadaan ayay dowladdu sheegtay in loo baahan yahay si looga hortago rabshadaha ka hor doorashooyinka kusoo wajahan dalkaas. Laakiin qaramada midoobey ay sheegtay inuu go’aankaan carqaladeyn doono hadalka xorta ah.

Dalka Itoobiya, muddo tobanaan sano ah oo uu ka mid ah waddamada Afrika ee xukunka adag lagu maamuli jiray, ayaa waxaa ka dhacay isbadal siyaasadeed oo aad u weyn tan iyo markii ra’iisalwasaaraha isbadal doonka ah Abiy Ahmed uu xafiiska la wareegay laba sano ka hor.

Laakiin inkasta oo Abiy uu sii daayay maxaabiista siyaasadeed, suxufiyiin iyo xisbiyada mucaaradka, hadana maamulka ayaa ku dhibtooday inuu xakameeyo rabshadaha qowmiyadeed. Doorashada sanadkan ayaa loo arkaa inay tahay tijaabada ugu weyn ee lagu hubinayo in isbadalkiisa siyaasadeed uu sii jiri karo.

Sharciga cusub wuxuu ogol yahay ganaax dhan 100,000 oo lacagta Itoobiya ah oo u dhiganta $ 3,000 iyo xabsi ilaa shan sano ah qofkii la wadaaga ama ka abuura baraha bulshada rabshado ama khalkhal ku dhaca bulshada.

Ilaa 297 xildhibaan oo goob joog ka ahaa aqalka ayaa u codeeyay sharciga halka halka 23 kaliya ay ka soo horjeesteen.

Ethiopia waxay dhibane u noqotay fawdo," ayuu yidhi xildhibaan Abebe Godebo. "Dalku waa dhul kaladuwanaansho leh, sharcigani wuxuu gacan ka geysan doonaa in la isku dheellitiro kala-jaadnimadaas," ayuu ku daray hadalkiisa.

Qaar badan oo ka mid ah xildhibaannadii ka soo horjeestay sharciga ayaa sheegay in ay xadgudub ku tahay dammaanad-qaadidda dastuuriga ah ee xorryada hadalka.

Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel sanadkii la soo dhaafay, ayaa ballan-qaaday in sannadkan doorashadu noqon doonto mid xor iyo xalaala.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
2/15/2020 9:04 AM EST
Sabti, Febraayo 15, 2020 (HOL )– Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland cadeeyo waxay ku soo wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya iyo waxa lagu soo heshiiyey ee kaligood ku soo wada hadleen.

2/15/2020 8:11 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, Maxamed Xareed Faarax, ayaa sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay dhegaysiga dacwada eedeesanayaal loo haysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Hodan Axmed Shanlayste.

2/15/2020 4:33 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Hay’adda Puntland u qaabilsan baarista danbiyada hidasidaha DNA iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano Forensic Science, ayaa sheegtay in ay kala saartay 50 carruur ah oo ay isku haysten dad sheeganayay inay dhaleen.

2/15/2020 1:43 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Midawga Yurub ayaa bilaabay 5,7 milyan oo yuuro mashruuc ah oo lagu taageerayo Wasaaraddaha Waxbarashada ee Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo sidii loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay oo loogu talagalay dadka.

2/15/2020 1:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale ayaa sheegay in dowladdu qorsheyneyso dhawaan in la qaado dhamaanba Dhagxaanta ku ku xiran jidadka magaalada Muqdisho

2/15/2020 12:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Yuusuf Cismaan Samatar (Bardacad) oo ahaa ruug cadaa wax badan ka soo qabtay siyaasadda dalka Soomaaliya, xabsi dheerna ugu xirnaa dowladd Maxamed Siyaad Barre, ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka.