2/21/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2020
Wasiirka Amniga '' Waa la qaadayaa Dhagxaanta ku xiran jidadka Muqdisho


 

Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale ayaa sheegay in dowladdu qorsheyneyso dhawaan in la qaado dhamaanba Dhagxaanta ku ku xiran jidadka magaalada Muqdisho

Wuxuu sheegay in sababta arintan loo sameynayo tahay in meesha laga saaro ciriiriga iyo saxmada ka jirta qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho oo dadka iyo gaadiidkuba wada isticmaalayaan jidadka kooban madaama ay magaalada kala xiran tahay.

Wasiir Isloow ayaa sheegay in marka laga eego dhibaatada ay shacabka ku qabaan xirnaasha jidadka iyo dhagxaanta ku go'an tahay arin la qaadan karo oo macquul ah , laakiin haddana dhinaca kale marka la eego ayuu yiri  wax weyn ka tareen sugida Amniga.

''Wey yaraadeen qaraxyadii ka dhici jiray magaalada taana waxaa qeyb weyn ka qaatay baraka Koontarool iyo Dhagxaanta lagu gooyay qaar ka mid ah jidadka Muqdisho'' ayuu yiri Wasiir Isloow.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa cabasho weyn ka muujinaya xirnaashaha jidadka magaalada iyaga oo dalbanaya in arintaan dowladdu wax ka qabato. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 











Click here
2/15/2020 9:04 AM EST
Sabti, Febraayo 15, 2020 (HOL )– Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland cadeeyo waxay ku soo wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya iyo waxa lagu soo heshiiyey ee kaligood ku soo wada hadleen.

2/15/2020 8:11 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, Maxamed Xareed Faarax, ayaa sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay dhegaysiga dacwada eedeesanayaal loo haysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Hodan Axmed Shanlayste.

2/15/2020 7:28 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Barlamaanka dalka Ethiopia ayaa khamiistii meel mariyey sharci dhigaya in xabsiga la dhigo dadka bogaggooda internet-ka ku faafiya wararka nacaybka.

2/15/2020 4:33 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Hay’adda Puntland u qaabilsan baarista danbiyada hidasidaha DNA iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano Forensic Science, ayaa sheegtay in ay kala saartay 50 carruur ah oo ay isku haysten dad sheeganayay inay dhaleen.

2/15/2020 1:43 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Midawga Yurub ayaa bilaabay 5,7 milyan oo yuuro mashruuc ah oo lagu taageerayo Wasaaraddaha Waxbarashada ee Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo sidii loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay oo loogu talagalay dadka.

2/15/2020 12:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Yuusuf Cismaan Samatar (Bardacad) oo ahaa ruug cadaa wax badan ka soo qabtay siyaasadda dalka Soomaaliya, xabsi dheerna ugu xirnaa dowladd Maxamed Siyaad Barre, ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka.