2/21/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2020
Taariikh nololeedkii rugcadaa siyaasadeed AUN. Yuusuf Cismaan Samatar(Bardacad)


 

Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Yuusuf Cismaan Samatar (Bardacad) oo ahaa ruug cadaa wax badan ka soo qabtay siyaasadda dalka Soomaaliya, xabsi dheerna ugu xirnaa dowladd Maxamed Siyaad Barre, ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa Sharciyaqaan, door muhiim ah kasoo qaatay halgankii Soomaaliya, hanaanka xisbiyada badan ee xukuumadihii 1960 ilaa 1969, isaga oo ka mid noqday Baarlamaankii ugu horeeyay ee Soomaaliya.

Yuusuf Cusmaan Samatar (Bardacad) waxaa uu dhashay 1932. Dugsiga hoose/dhexe iyo sareba wuxuu uga baxay Soomaaliya, kadib waxa uu waxbarashadiisa jaamacaddeed u aaday magaalada Rooma oo uu ka bartay cilmiga Siyaasadda “Polictical Science".  Haddana waxa uu bartay  sharciga oo uu ka qaatay shahaado sare. Waxa uu ku biiray xisbigii  SYL.

Kadib markii uu dalka Talyaaniga wax kusoo bartay, qibrad badana uu kasoo kororsaday xisbiyada dalkaas ka jiray, waxa uu wax ka aasaasay xisbigii la oran jiray  Gareedka, SOU,Somali Democratic union 1957,oo uu hortii madax ka  noqday Xaaji Mohamed Xuseen oo ka  kamid ahaa 13kii SYL..

Muddo  yar kadib Aasaasidii xisbigii SOU ee Gareedka,Yuusuf Bardacad  waxaa uu noqday xoghayaha guud ee xisbiga.  Arday faro badan oo aan kow iyo laba la oran karin buu u  kala diray waddamadii shuuciga ahaa. dalka Raashiya ayaa Ardayda ugu badan loo diray. Taageerayaal badan buu ku yeeshay xaafiisyada dawladda. Ka dib markay  waxbarashadii soo dhammaysteen  waxaa shaqo laga siiyay wasaaraddihii dowladda.

Doorashadii 1964 xisbigiisu wuxuu helay ama uu ku guulaystay 15 kursi.

Yuusuf Cusmaan Samatar (Bardacad) waxa uu  ahaa xubin Baarlamaan (wakiil) ilaa 1969kii. Kacaanku markii uu dhashay dibeda ayuu ku maqnaa oo kuma jirin raggii horraankii la xiray, isla markii uu ka soo laabtay dibeda, kacaanku waxa uu ka codsaday in uu la shaqeeyo, balse Yuusuf  Bardacad wuu  ka cududaartay ka mid ahaanshaha  maamulkii Askarta.

Taasi waxay keentay in irdaha loo laabo naadigii xisbiga SOU lana qarameeyo hantidii xisbiga, oo ay ka mid ahaayeen  Madbacado iyo waliba qalabka  beeraha sida cagaf cagafyo, kuwaasoo loogu talo galay in lagu tababaro Taageerayaasha xisbiga. Sidaas oo kale xisbiga waxuu lahaa, xafiisyo qalabaysan oo lagu bixiyo tababarro  kala  duwan,si  kor loogu qaado aqoonta tageerayaashiisa.

Si kastaba ha ahaatee,Yuusuf  Bardacad  waxa uu noqday ninkii ugu xabsiga dheeraa dadkii  siyaasadda darteed loo xiri jiray intii kacaanku waddanka ka talinayey. Xabsiyada la geyn jira waxaa ka mid ahaa, kii godka ee NSS .(National Security Service} Hay'adda sirdoonka, xabsiga dhexe, laanta Buuro, labaatan Jirow iyo kuwa kale.  Markii  udambaysay waxa uu xirnaa intii udhaxaysay 1975,  ilaa February 1989.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
2/15/2020 9:04 AM EST
Sabti, Febraayo 15, 2020 (HOL )– Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland cadeeyo waxay ku soo wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya iyo waxa lagu soo heshiiyey ee kaligood ku soo wada hadleen.

2/15/2020 8:11 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, Maxamed Xareed Faarax, ayaa sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay dhegaysiga dacwada eedeesanayaal loo haysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Hodan Axmed Shanlayste.

2/15/2020 7:28 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Barlamaanka dalka Ethiopia ayaa khamiistii meel mariyey sharci dhigaya in xabsiga la dhigo dadka bogaggooda internet-ka ku faafiya wararka nacaybka.

2/15/2020 4:33 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Hay’adda Puntland u qaabilsan baarista danbiyada hidasidaha DNA iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano Forensic Science, ayaa sheegtay in ay kala saartay 50 carruur ah oo ay isku haysten dad sheeganayay inay dhaleen.

2/15/2020 1:43 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Midawga Yurub ayaa bilaabay 5,7 milyan oo yuuro mashruuc ah oo lagu taageerayo Wasaaraddaha Waxbarashada ee Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo sidii loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay oo loogu talagalay dadka.

2/15/2020 1:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale ayaa sheegay in dowladdu qorsheyneyso dhawaan in la qaado dhamaanba Dhagxaanta ku ku xiran jidadka magaalada Muqdisho