3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2020
Dab baabiiyey dhul ka badan 3Km. Bariga magaalada Laascaanood

 

Jimco, Feberaayo,14, 2020 (HOL)-Duhurnimadii maanta ayaa lagu warhelay qayladhaan ay dad soo maray dooxada Ooda-gooye oo dacalka bari ku haysa magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool taas oo sheegayey gubashada dooxadaasi.

Dabkan oo ahaa mid xawli ku socdey ayaa waxaa ku dareeray dhilnyarada magaalada oo ay gaadiidleydu u gurayeen meesha  dabku ka kacay.
 
Sidoo kale gaadhi ay wateen ciidanka dabsamiska ayaa isna halkaasi qayb xoogleh ja qaatay walow uu dabku balaadhnaa hadana waxaa lagu guulaystey in la hakiyo.
 
Dabkan ayaa markale ka bilaabmay dooxada fiidkii caawa waxaana loo aanaynayaa in dhul aan si fiican u damin ay dabayshu dib u holcisey sida uu noo sheegay Maxamuud Xassan oo halkaa goor dhoweyd ku sugnaa.
 
Inkasta oo haatan la sheegayo inuu daciifay waxaa weli si hagar la'aan ah u shaqaynay dhaliyarada magaalada oo adeegsanaya gacmahooda iyo ciida waxaase walaac laga qabaa hadii hawshani joogsato dabkuna dib u bilaabmo habeenimada  kaasi oo galaafan kara dhul aad u balaadhan oo daaqsimeed ah.
 
Ma jirto qasaare nafeed iyadoo reero badan dhulkaas yaaleen waa laga caymiyey walow aan la hubin mid agab.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood
 
 













Click here
2/14/2020 11:49 AM EST
Jimco, Febraayo 14, 2020 (HOL )– in ku dhow 19 qof oo iskugu jira odayaal iyo ganacsatado ayaa lagu xidhay magaalada Wajaale ka dib markii ay banaan bax ku sameeyeen dhul banaan oo wasaarada Gaadiidka ka dhisanayey duleedka Bari ee magaalada Wajaale.

2/14/2020 8:01 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)- Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xassan oo degmada Dhuusa-Mareeb kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaasha Ahlu Sunna ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ay ku qasbanaan doonaan sida uu hadalka u dhigay in ay hubkooda qaataan.

2/14/2020 7:46 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)-Wasiirka arrimaha dibedda Saudi Arabia ayaa Khamiistii beeniyey warbixino sheegayey in laga yaabo inay kulmaan dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

2/14/2020 2:33 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)-Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii Bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan.

2/14/2020 12:07 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Wareysi gaar ah siinayay TV Universal ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan ciidamada dowladdu ay geysay gobolka Gedo, fara-galinta Kenya iyo waliba doorashadii ka dhacday Jubbaland.