Macalin Maxamuud Sheekh Xassan ''Dhuusa-Mareeb Al-shabaab ayaa gacanta loo galiyay
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)- Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xassan oo degmada Dhuusa-Mareeb kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaasha Ahlu Sunna ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ay ku qasbanaan doonaan sida uu hadalka u dhigay in ay hubkooda qaataan.
Macalin Maxamuud ayaa sheegay in dhaqamada sida uu hadalka u dhigay hadda ka muuqda qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug gaar ahaan degmada Dhuusa-Mareeb yihiin kuwo aan horay looga barran oo uu ku fasiray ''Fasaad'' sidaa daraadeed ay ku qasbanaan doonaan in ay suuliyaan.
“Intii aan fasaadka soo dhaweysan lahayn waxaan geleynaa haddii Alle yiraahdo in hubkeena aan soo dhaweysaneyno,ruux muslim ah ku dhibi meyno,dowlad ku dhibi meyno laakin Ruux reer fasahaad ah waan ku dhibeynaa ayuu yiri Macalin Maxamuud Sheekh Xassan.
Waxaa uu sheegay dhinaca kale in qaraxii maalin ka hor ka dhacay degmada Dhuusa-Mareeb uu muujinayo in degmada gacanta loo galiyay Al-shabaab, madaama horay amaanka degmada uu u hagaagsan.
''Qaraxa Dhuusa-Mareeb ka dhacay waxaa uu muujinayaa in degmada Gacanta loo galiyay Al-shabaan, ruuxa noocaasi noqon kara ee garran waayay dad aan Gaadiid naga rabin, Xoolo naga rabin wax kale oo ay naga rabaan aan aysan jirin sabab aan u weerarno ma garaneyno qofkii garran waayay qof xishoonaya ma'aha ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Waxaa muuqata in uu sii xoogeysanayo khilaafka ka dhaxeeya wali hoggaanka sare ee Ururka Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Dhexe ee Federaalka iyadoo Dhuusa-Mareeb ay ku wada sugan yihiin labo garab oo iska soo horjeeda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]