4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2020
NUSOJ iyo Machadka Warbaahinta Aljazeera oo Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababbar loo qabtay suxufiyiinta telefishinnada ka howlgalla


Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Machadka Warbaahinta ee Aljazeera (AJMI) ayaa caasimadda Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababar socday muddo 5 maalmood ah oo loo qabtay suxufiyiinta ka howlgalla telefishinnada.

Tababarka oo diiradda lagu saaray horumarinta dhallinyarada suxufiyiinta ah ee ka howlgalla telefishinnada oo badanaa aan helin tababbaro caalami ah. Waxaa sidoo kale lagu baray waxyaabaha saldhigga u ah wariyaha xirfadda leh ee telefishinnada ka howlgalla.

Waxaa kalo tababarka muddada uu socday lagu baray suxufiyiin dhallinyaro ah sida ay uga shaqeyn lahaayeen teknolojiyada cusub iyo sidoo kale luuqadda warfaafinta iyo dariiqooyinka loo adeegsado warbixin maalinle ah ee telefishanka iyo wareysiga. Suxufiyiinta waxaa la baray xirfado wax ku ool ah inta lagu gudajiray tababarka.

Tababarka ayaa waxaa qabtay weriye caan ah Aljazeera Media Network Mohamed Adow kaasoo ku amaaney ardayda in ay yihiin saxafiyiin karti  leh. Soo tebinta telefishinka waa mid ka mid ah shaqooyinka telefishanka ugu jirka culus, laakiin xaqiiqdii waa midda ugu xiisaha badan.

“Ujeeddada koorsadan tababarka culus ayaa ah in suxufiyiinta TV-ga ka shaqeeya la siiyo aqoon ay ku horumariyaan xirfadooda warbaahineed ee baahinta iyagoo baranaya qaababka warbixinnada telefishanka. Tababarka waxaa loo qabtay heerar tayo sare leh, ”ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

NUSOJ iyo Machadka Warbaahinta ee Aljazeera (AJMI)  waxay si wada jir ah u wadaan koorsooyin tababaro gaar ah oo loogu talagalay suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan dhallinyarada iyo hamiga suxufiyiinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]