4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2020
Taliyaha ciidanka Maraykanka ee Afrika oo Bosaso kula kulmay madaxweynaha Puntland
 

Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Afrika (Africom) Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku tagay Boosaaso.

Madaxweynaha iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Gen. Stephen J.Townsend, ayaa maalintii shalay booqasho midaan lamid ah ku tagay magaalada Kismaayo, isagoo la kulmay madaxweynaha Jubbaland.

Booqashada taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu Maraykanku sheegay inuu dib u bilaabayo taageeradii tooska ahayd ee xagga amniga.

Maraykanka ayaa taageere dhaqaale siiya ciidanka PSF-ta Puntland oo waajibaadkooda ugu weyn uu yahay la dagaalanka argigxisisada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]