2/28/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2020
Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ka wada hadlay Arrimaha Fatahaadda iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaale



Khamiis, Feberaayo, 13, 2020 (HOL)-Kulan ay soo qabanqaabisay Wasaarradda Qorsheynta dowlad gobolleedka Hirshabeelle loogana hadlayay baahiyaha ka jira deegaannada Hirshabeelle ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Qorsheynta Hirshabeelle Cabdirisaaq Aadan Geedi oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkan uga duwan yahay shirarkii hore oo ay Goluhu yeelan jireen in markan kulamadu ay ka dhacayaan isla deegaannada Hirshabeelle, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

''Ujeedada kulanka waxey aheyd in looga hadlo baahiyaha ka jira Dowlad gobolleedka Hirshabeelle, waxaan runtii la kulannay xubno ka socda Wasaarrada Qorsheynta heer Federaal iyo hay'adda caalamiga ah ee ADAM International kana tirsan UN-, gaar ahaan waxaan kulankeena diirada ku saarnay  arrimaha Fatahaaddaha iyo siddii loo maareyn lahaa'' ayuu yiri Wasiirru Dowlaha.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in kulanka siweyn loogu lafaguray isku xirka kaabashaa dhaqaale ee deegaannada Hirshabeelle iyo Dowladdaha iyo Maaamulada kale ee dariska la ah, isaga oo sheegay in sanadkan lagu tilmaami karo sanad shaqo.

Kulanka ayaa imanaya xili siweyn wax leysaga weydiinayo maareynta iyo ka hor taga in mar kale deegaannada Hirshabeelle ay ku dhuftaan daadad ka soo rogmada Wabiga Shabeelle oo ku dhibaato weyn ku ah nolasha dadka ku dhaqan labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 










Click here
2/13/2020 3:50 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Machadka Warbaahinta ee Aljazeera (AJMI) ayaa caasimadda Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababar socday muddo 5 maalmood ah oo loo qabtay suxufiyiinta ka howlgalla telefishinnada.

2/13/2020 10:11 AM EST
Khamiis, Febraayo 13, 2020 (HOL )– Somaliland ayaa lagu qabtay tartanka geella ugu caanaha badan Somaliland, taas oo loo sameeyey goob lagu tartansiiyo oo geel badan la iskugu keennay.

2/13/2020 9:30 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Shirwaynaha wadatashiga beel-weynta Soomaaliyeed Xawaadle oo socday muddadii u dhexeysay 12-13 Febraayo 2020, laguna qabtay magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay.

2/13/2020 9:05 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

2/13/2020 7:54 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Afrika (Africom) Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku tagay Boosaaso.

2/13/2020 4:46 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa arbacadii shalay baabi'isay cuno qabatayntii saarnayd shirkaddii xawaaladda ee Al-Barakaat, taasoo xayirnayd tan iyo 2001, kadib weeraradii lagu qaaday daarihii mataanaha Maraykanka.

2/13/2020 3:11 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL) - Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa maanta sheegtay inay sii kordhayaan weerarada, hanjabaada, cagajuglaynta iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta Soomaaliya.

2/13/2020 3:07 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13, 2020 (HOL)Dad gaaraya 242 qof ayaa maalintii kahor ugu dhintay xanuunka Corona gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd oo maalin qura cudurka Corona ugu dhimatay dalkaas.

2/13/2020 1:12 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in markan uu ka dhamaaday sida ay hadalka u dhigeen dulqaadkii ay u hayeen Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Cabdirashiid Xidig oo labaduba sheegtay in ay madaxwweynayaal ka yihiin maamulka Jubbaland.