4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2020
Maraykanka oo liiska cunaqabaynta ka saaray shirkaddii xawaaladdii Al-barakaat
 

Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa arbacadii shalay baabi'isay cuno qabatayntii  saarnayd shirkaddii xawaaladda ee Al-Barakaat, taasoo xayirnayd tan iyo 2001, kadib weeraradii lagu qaaday daarihii mataanaha Maraykanka.

Warbixin kasoo baxday waaxda maaliyadda Maraykanka ayaa lagu sheegay baaritan ay sameeyeen Guddiga weerarkii 9/11, ay ku xaqiijiyeen in aanay helin caddeymo toos ah iyo xiriir kasta oo dhab ah oo ka dhexeeya al-Barakaat iyo argaggixisada nooc kasta ha ahaadee.

Guddiga waxay hadalkan ku sheegeen qoraal kooban oo ku saabsan maalgalinta argagixisada oo la sii daayay, iyagoo tilmaamay inay caddeymo u waayay sheegashooyinka ku saabsan in Bin Ladin uu maalgashi hore ku lahaa al-Barakaat iyo in al-Barakaat qayb ka mid ah lacagteeda lagu maalgaliyay al-Qaida.

Maraykanku wuxuu sheegay Cunaqabateynta la saaray xawaaladda Barakaat in ay saameyn xun ku yeelatay nolosha Soomaalida. Aas aasihii shirkadda Barakaat Axmed Nuur Cali Jimcaale, ayaa isagu liiska cunaqabataynta laga saaray sanadkii 2012-kii.

Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka waxay rumeysan tahay in hay'adaha iyo shakhsiyaadka laga saaray cuna qabataynta  ay muddo dheer ka hor joojiyeen inay kaalmeeyaan  bin Ladin, al-Qaida ama koox kale oo argagixiso ah.  Af hayeen u hadlay ayaa sheegay In badan oo kamid ah hay'adahas ay shaqeynin waqtigaan.

Warbixinta guddiga waxaa lagu sheegay in nidaamka xawaaaleed ee Barakaat uu ahaa nidaamka ugu weyn ee ka shaqeeya Soomaaliya, oo ay adeegsadaan Soomaalida ka soo carartay waddankoodii hooyo iyo Qaramada Midoobay si ay ugu gudbiyaan lacago lagu taageerayo howlgalada gargaarka.

Xilliga cunaqabataynta lagusoo rogayay, Al-barakaat waxay lahayd 180 xafiis oo ugu yiilay in ka badan 40 dal, waxaa xilligaas yiilay dhaqaale badan oo ay lahaayeen ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo doonayay in qoysaskooda u diraan .

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]