4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2020
Hay'adda Amnesty oo ku eedeeysay dowladda Soomaaliya inay hanjabaad iyo cago juglyan ku hayso xorriyadda warbaahinta

Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL) - Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa maanta sheegtay inay sii kordhayaan weerarada, hanjabaada, cagajuglaynta iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta Soomaaliya.

Hay'addu waxay diiwaan gelisay inay si xun hoos ugu dhacday xaquuqda xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda tan iyo markii Madaxweyne Maxamed C / llaahi 'Farmaajo uu xafiiska la wareegay bishii Febraayo 2017.

Waxay sheegtay in saxaafadu weeraro kala kulmeen ururka Shabaab iyo ciidamada amaanka dowladda, sidoo kalena ay kordheen faafreebka iyo qabashada aan sharciga aheyn, iyagoo ku qasbay inay dalka cararaan.

“Suxufiyiinta Soomaaliya waa la hareereeyay sidaasi waxaa yidhi,” Deprose Muchena, oo ah Madaxa Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Ugu yaraan sideed weriye ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu xafiiska la wareegay. Shan ayaa ku dhintey weerarro aan kala sooc lahayn oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab ah. Labo waxaa dishay kooxo aan la garanaynin, mid kalena waxaa toogtay sarkaal ka tirsan booliiska federaalka.

Amnesty International waxay kaloo diiwaangelisay 16 akoon oo Facebok oo hawada laga saaray. 13 ka mid ahi waxaa iska lahaa suxufiyiin, intii u dhaxeysay 2018 iyo 2019.

Amnest waxay ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu qaado talaabooyin deg deg ah si loo hubiyo madax bannaani wax ku ool ah iyo in baaritaan loogu sameeyo eedeymaha ku saabsan xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda saxaafadda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]