3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2020
Tiradii ugu badneyd oo hal maalin u dhimatay cudurka coronavirus

Khamiis, Feberaayo, 13, 2020 (HOL)Dad gaaraya 242 qof ayaa maalintii kahor ugu dhintay xanuunkaCorona gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd oo maalin qura cudurka Corona ugu dhimatay dalkaas.

Waxaa sidoo kale sare u kacay tirada dadka uu haleelay xanuunka, waxaana lagu soo warramayaa in la daweeyay ku dhawaad 15 kun oo qof. Gobolkan ayaa bilaabay qaab cusub oo lagu la tacaalayo xanuunka, taas oo bannaanka soo dhigtay kiisas badan oo haatan la ogaaday.

Waxaa maalmihii u dambeeyay raja laga muujinayay wax ka qabashada xanuunka, balse kiisaska cusub ee hataan la ogaaday ayaa sii murjiyay xaaladda gobolka Hubei.

Gobolkan aya waxaa ku sugan boqolkiiba sideetan dadka uu ku dhacay xanuunka guud ahaan dalka Shiinaha, maadaama uu markiisi hore ka dilaacay Magaalada Wuhan ee isla gobolkaas.

Qaar kamid ah 242 qof ee u dhintay xanuunka ayaa 135 kamid ah waxay ahaayeen dad laga daweynayay xanuunka oo xaaladooda lala tacaalayay.

Dhanka kale Markab ay saaran yihiin laba kun oo qof ayaa gaaray dalka Cambodia, kadib markii laga soo eryay shan dal, kuwaas oo sheegay inay ka cabsi qabaan in dadka saaran ay qabaan xanuunka Corona.

Inkastoo aanan la xaqiijinin in dadka markabka saaran ay qabaan xanuunka ayaa haddana markabkan oo lagu magacaabo MS Westerdam waxaa uu dalkaas tegay maanta oo khamiis ah, kadib markii dalalka Japan, Taiwan, Guam, Philippines iyo Thailand ay diideen in dadkaas ay kasoo degan markabka oo ay soo galaan dalalkooda.

“Waxaan u heysanay in aan usoo dhawaanay dalalkeena balse uma aanan heysan in nala soo eryayo,” ayuu yiri Angela Jones oo u dhashay dalka Mareykanka, kana mid ah dadka saaran markabka.

Haseyeeshee go’aanka Dowladda Cambodia ay kusoo dhaweysay markabkaas ayaa waxaa soo dhaweeyay hey’adda caafimmaadka adduunka ee WHO.

Dhawaan ay ahayd markii Dowladda Shiinaha ay shaqada ka eriday mas’uuliyiin sarsare, kadib markii ay sheegtay inay ku guuldareysteen wax ka qabashada caabuqa Corona ee ka dilaacay dalkaasi.

Xanuunkan oo ay u dhinteen dad gaaraya kun qof ayaa mas’uuliyiinta shaqada ku waayay waxay kala yihiin xoghayaha xisbiga talada haya u qaabilsan guddiga caafimaadka ee Hubei iyo gudoomiyaha guddigaasi.

Mas’uuliyiintan ayaa noqday kuwii ugu sarreeyay ee shaqada guddiga caafimaadka laga eryo, waxaana sidoo kale shaqadiisi waayay agaasime ku xigeenka hay’adda laanqeeyrta cas ee dalka Shiinaha.

Mas’uuliyiinta shaqada laga eryay ayaa la sheegay in lagu bedali doona kuwo kale oo heer qaran ah.

Maalma kahor ayay ahayd markii 103 qof ay xanuunka Corona ugu dhinteen gobolka Hubei, waxaana guud ahaan dadka xanuunkan u dhintay ay gaarayaan 1,016 qof.

Sida ay ku soo warrantay warbaahinta dalkaas, waxaa jira boqolaal qof oo kale oo shaqada laga eryay, waxaana socda baaritaanno ku aadan sida loola tacaalay xanuunka ka dilaacay Shiinaha.

Qaar kamid ah dadkaas ayaa la sheegay in shaqadii ay hayeen laga yareeyay oo aan gebi ahaanba shaqada laga eryin. Waxaa suuragal ah in dadkaasi shaqada la eryay ay sidoo kale ciqaab mutaystaan.

Dadka shaqo ka tirista ay saameysay waxaa kale oo kamid ah madaxa guddiga caafimaadka ee Huanggang oo ah magaalada labaad ee uu sida ba’an u saameeyay cudurka.

Muddooyinkii dambe, mas’uuliyiinta dalka Shiinaha ayaa lagu dhaleeceeyay wax ka qabasha la’aanta cudurka iyo sida ay ula tacaaleen.

Dad badan oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ka carooday dhimashada dhakhtar horay uga digay xanuunka Corona, waxaana ay sheegeen in al dhayalsaday digniintii uu bixiyay.

Xukuumadda Beijing ayaa koox baaritaan samaysa u dirtay gobolka Hubei, si ay u baaran qaabka loo daweeyay dhakjtarkaas.

BBC














Click here
2/13/2020 3:50 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Machadka Warbaahinta ee Aljazeera (AJMI) ayaa caasimadda Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababar socday muddo 5 maalmood ah oo loo qabtay suxufiyiinta ka howlgalla telefishinnada.

2/13/2020 10:11 AM EST
Khamiis, Febraayo 13, 2020 (HOL )– Somaliland ayaa lagu qabtay tartanka geella ugu caanaha badan Somaliland, taas oo loo sameeyey goob lagu tartansiiyo oo geel badan la iskugu keennay.

2/13/2020 9:30 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Shirwaynaha wadatashiga beel-weynta Soomaaliyeed Xawaadle oo socday muddadii u dhexeysay 12-13 Febraayo 2020, laguna qabtay magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay.

2/13/2020 9:05 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

2/13/2020 7:54 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Afrika (Africom) Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku tagay Boosaaso.

2/13/2020 5:36 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13, 2020 (HOL)-Kulan ay soo qabanqaabisay Wasaarradda Qorsheynta dowlad gobolleedka Hirshabeelle loogana hadlayay baahiyaha ka jira deegaannada Hirshabeelle ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

2/13/2020 4:46 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa arbacadii shalay baabi'isay cuno qabatayntii saarnayd shirkaddii xawaaladda ee Al-Barakaat, taasoo xayirnayd tan iyo 2001, kadib weeraradii lagu qaaday daarihii mataanaha Maraykanka.

2/13/2020 3:11 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL) - Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa maanta sheegtay inay sii kordhayaan weerarada, hanjabaada, cagajuglaynta iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta Soomaaliya.

2/13/2020 1:12 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in markan uu ka dhamaaday sida ay hadalka u dhigeen dulqaadkii ay u hayeen Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Cabdirashiid Xidig oo labaduba sheegtay in ay madaxwweynayaal ka yihiin maamulka Jubbaland.