4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2020
Jubbaland oo digniin u dirtay Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig

 

Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in markan uu ka dhamaaday sida ay hadalka u dhigeen dulqaadkii ay u hayeen Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Cabdirashiid Xidig oo labaduba sheegtay in ay madaxweynayaal ka yihiin maamulka Jubbaland.

Wasiirka Wasaarrada Warfaafinta maamul gobolleedka Jubbaland Cabdi Xusseen Maxamed ayaa sheegay in muddo Lix bilood ay ay u dulqaadanayeen labada mas'uul, laakiin wixii hadda ka danbeeya aan loo sii dulqaadin doonin, waxaana uu ku eedeeyay in ay falal amaanka ka dhan ah ka wadaan magaalada Kismaayo.

''Waxey u adeegayaan oo ay ka amar qaataan dowladd dhexe, falal amaan darro ayeey ka wadaan magaalada Kismaayo, maamulka Jubbaland wuu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay labada mas'uul'' ayuu yiri' Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayo.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii iska horimaad gudaha magaalada uu ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland iyo kuwa kale oo u daacad ah Cabdinaasir Seeraar xili ay magaalada qeyb ka mid ah ku sugnaayeen Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Africom. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]