4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2020
Wasiir Farotoon“Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayey ku kulmeen”

 

Arbaco, Febraayo 12, 2020 (HOL )– Weftigii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ku maqnaa dalka Itoobiya ayaa galabta dib ugu soo noqday magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Yaasiin Farotoon ayaa ka warbixiyey madaxdii ay la kulmeen iyo kulankii dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Farotoon ayaa sheegay in weftiga madaxweynuhu ka faa’iidaysanayeen madaxdii Afrika iyo caalamka ee shirka Afrika ka soo qaybgalli si qadiyada Somaliland loo gaadhsiiyo, waxaanu tilmaamay in gaargaar ula kulmeen madax badan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in kulankii madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo ka dhacay xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya, haseyeeshee ma faahfaahin qaabka kulanku u dhacay iyo sababta war-murtiyeed looga soo saari waayey.

“Shirka Afrika ee sanadkiiba mar lagu qabto Addis waxa markii hore tagay aniga, shakhsiyaad reer Somaliland ah iyo safaarada Somaliland, markii dambe waxa lagama maarmaan noqon wayday in madaxweynuhu yimaado, markii aan la soo hadlay ka dibna wuxuu yimid magaaladda Adis, waxaanay kulmeen madax badan oo Afrika iyo beesha caalamka iskugu jira, taas oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey”ayuu yidhi wasiir Farotoon.

Wasiirka ayaa kulankii labadda madaxweyne ku kooban inay xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya kulmeen, waxaanu yidhi “Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayey ku kulmeen, madashaasi waxay ahayd meel madaxdii afrika oo dhami ay imanaysay oo lagu marti qaadayey markii uu shirkii dhamaaaday, madaxduna way isa sii salaamayeen waana la isa sii arkayey sidaas buu madaxweyne Biixi ku tagay Farmaajana ku yimid ka dibna ay isku arkeen .”

Inkastoo aanu faahfaahin waxay ka wada hadleen labada madaxweyne, heyeesheee sida wararka ku helayno waxa kulan labadda madaxweyne waday Ra’isal wasaaraha Itoobiya, waxaase wararku sheegayaan inuu la kulankaasi diidana madaxweyne Biixi, markii uu aqballayna waxa uu dalbaday in labadooda oo kaliya is arkaan oo mid waliba weftigii aanu ka soo qaybgallay kulamadoodda.

Kulankani wuxuu noqonaya kii ugu horeeyey ee si toos ah isku soo horfadhiistaan madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo tan iyo intii ay hogaanka u qabteen labadda dhinac, waxaana istaagay wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya mudadii ay xilka hayeen.

Dad badan ayaa is waydinaya sababta qarsoodi looga dhigay ee kulankooda saxaafadu uga qaybgali wayday, maadaama oo madaxweyneyaashii ka horeeyey Biixi iyo Farmaajaba si toos ah wararka looga soo tabin jirey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.