4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2020
Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed'' Dalkeena Amnigiisa waa lagu soo duulay

 

Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xassan Xijaar oo maanta ka hadlayay kulan ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalka Amnigiisa sida uu hadalka u dhigay lagu soo duulay. 

''Waxaad moodaa in hadda Amniga dalka lagu soo duulay, Ama xuduudda halaga soo galo, ama diyaarado halagu yimaadee dalkeena Amnigiisa waa lagu soo duulay, Amniga dalka meel xunbuu marayaa, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray, dalka  horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa  la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu yiri Jen.  Xijaar

Wuxuu sheegay in muhiimad gaar ah leedahay in wada shaqeyn joogta  ah ay dhaxmarto Booliiska Soomaaliyeed iyo hay'adda Socdaalka iyo jinsiyadaha, madaama kulanka uu hadalkan ka jeedinayay uu ku saabsanaa sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dhinac.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in  la  qarxiyay Injineeradii la dalka la keenay, isla markaana ka qeyb  qaadanayay dhismaha Wadooyinka, isagoona xusay in aan la rabin in dalka  uu galo horumar.

magaalada Muqdisho iyo duleedkeedka ayaa waxaa ka dhaca  dilal qorsheysan iyo qaraxayo, waxaana Qaraxyadaas qaarkood lagu dilay  Injineero iyo Shaqaalo Turki ah oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho  iyo Afgooye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]