3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2020
Puntland oo farriin culus u dirtay dadka kufsiyada ku howlan kadib xukunkii maanta la fuliyay
 

Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta dowlad goboleedka Puntland, Cawil Sheikh Xaamid ayaa farriin culus u diray dadka kufsiyada ku howlan, kadib markii maanta cadaaladda la marsiiyay raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Wasiirka cadaalada ayaa sheegay xukunkii maanta la fuliyay in uu muujinayo sida ay Puntland uga go’an tahay in cadaaladda la horgeeyo cid waliba oo kufsi geysata.

Kiiskaan oo qaatay muddo sanad ah, ayuu wasiirku tilmaamay in la sameeyay baaritaan dhab ah oo lagu xaqiijinayay dambiilayaasha falkaas geysatay, isagoo sheegay in markasta laga fogaanayay in qof aan dambi lahayn ciqaab lagu fuliyo.

Isagoo ka hadlayay xukumanaha aan dilka lagu fulin, wuxuu sheegay in aabaha dhalay marxuumad Caa’isha Ilyaas inuu isagu codsaday in kiiska dib loo dhigo, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Halkaan ka daawo muuqaalka wasiirka cadaaladda



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/11/2020 11:01 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray mowqifkeeda ku aaddan Sharciga Betroolka ee uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah.

2/11/2020 10:56 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska, Audrey Azoulay oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

2/11/2020 7:31 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xassan Xijaar oo maanta ka hadlayay kulan ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalka Amnigiisa sida uu hadalka u dhigay lagu soo duulay.

2/11/2020 2:25 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Aabaha dhalay marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan, ayaa soo dhoweeyay in gabadhiisu cadaalad heshay kadib markii saakay xukun dil ah lagu fuliyay labo kamid ah saddexdii nin ee kiiskaas loo xukumay.

2/11/2020 2:09 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa halkaa ka wada kulamo gooni gooni ah oo uu la leeyahay madax heer caalami ah.

2/11/2020 12:45 AM EST
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Puntland ayaa goor dhow xukun dil ah ku fulisay labo kamid ah saddexdii xukumane ee loo haystay kufsigii iyo dilkii caa’isha Ilyaas Aadan.