4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 1 , 2020
Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya


Sabti, Febraayo 01, 2020(HOL)– Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez, kaasi oo maalmahan ku sugnaa magaalada Hargeysa.

Sida war-saxaafadeed lagaga hadlayo kulankooda ayaa la sheegay in lagaga wadda hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan dalka Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika.

Safiirkan ayaa hore ula kulmay xisbiyada mucaaradka ah, waxaanay wararku sheegayaan in arrinta ugu muhiimsan ee lagaga wada hadlay kulan ay tahay arrimaha doorashooyinka iyo soo afjarida khilaafka guddida doorashooyinka oo uu madaxweynuhu hore u sheegay in dhamaadka bisha Janaayo la dhamayn doonno khilaafyada guddida doorashooyinka sida xisbiyada mucaaradku sheegeen.

Dhinac kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday hay’adda UNCDF oo u qaabilsan adduunka horumarinta dhaqaalaha ee dawladda hoose oo uu hoggaaminayey David Jackson oo ah agaasimaha guud ee 39-ka dawladdood ee ka soo koraya dhinaca dhaqaalaha.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay horumarinta dawladdaha Hoose ee JPLG-ga, waxaanu madaxweyne ku xigeenku warbixin ka siiyey madaxa weftiga halka uu marayo horumarinta dhaqaalaha dawladdaha hoose ee Somaliland oo ay taageerto hay’addani, isagoo uga mahadceliyey doorka hay’addaha UN-ku ay ka qaataan ka midho dhalinta barnaamijka JPLG guud ahaan iyo khaasatan doorka horumarinta dhaqaalaha ee ay hay’adda UNCDF ay ka taageerto Dawladdaha hoose ee Somaliland.

Iyadoo aad loogu lafo-guray balaadhinta barnaamijkan si loo wada gaadho degmo doorashooyinka dalka mustaqbalka iyo sidii fiiro gaara loo siin lahaa caasimada dalka, waxaanu madaxweyne ku xigeenku u caddeeyey masuuliyiintaasi in qaybtii kaga aadanayd dawladda a Somaliland ay dhinaceeda bixisay, gobolada bariggana ay ka bilowday barnaamijka JPLG.

“Waxaa la isla qaatay in xukuumadda iyo hay’adda UNCDF ay si wada jira uga wada hawlgalaan kobcinta dhaqaale ee lagu horumarinayo barnaamijkan dawladaha hoose.Waxaana madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey kulanka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska JPLG-ga u qaabilsan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.”ayaa sidaas lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka.

Dhinaca weftiga UNCDF-na waxa ku wehelinaayey agaasimaha UNCDF, Dmitry Pozhidaev oo ah masuulka xafiiska geeska Afrika u qaabilsan hay’adda, Anka Kitunzi oo u qaabilsan Xidhiidhka hay’adda Somaliland iyo Soomaaliya iyo masuuliyiinta xafiiska Somaliland ay ku leedahay Hay’addu.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.