4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 1 , 2020
Hay’adda caafimaadka adduunka oo ku dhawaaqday 13 dal oo afrikaan ah oo khatar ugu jira Fayraska coronavirus
  

Sabti,Feberaayo, 01, 2020 (HOL)- Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa ku dhawaqay 13 waddan oo Afrikacaan ah oo khatarta weyn ugu jira Fayraska coronavirus.

Waddamadan Afrikaanka ah oo qaarkood deris dhow la ah Soomaaliya, ayaa waxay kala yihiin, Algeria, Angola, Ivory Coast, DR Congo, Ethiopia, Ghana, Kenya, Mauritius, South Africa, Tanzania, Uganda, iyo Zambia.

Bayaan la soo saaray jimcihii, ayay WHO ayaa ku sheegtay in wadamada la aqoonsaday ee Afrikaanka ah ay xiriir toos ah ama safar aad u tiro badan laleeyihiin Shiinaha.

“WHO waxay aqoonsatay 13 dal oo mudnaanta koowaad leh (Algeria, Angola, Cote d'Ivoire, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Itoobiya, Ghana, Kenya, Mauritius, Nigeria, South Africa, Tanzania, Uganda iyo Zambia) kuwaas oo xiriir toos ah ama socdaal aad u ballaaran laleh Shiinaha," ayaa lagu yidhi bayaanka.

Who, ayaa sheegtay, si loo hubiyo ogaanshaha deg degga ah ee cudurka loo yaqaan 'coronavirus', in loo baahan yahay  sheybaarro tijaabinkara baaritaanka Fayraskaan isla markaana ay ka taageerayso waddamada in ay horumariyaan awooda baaris.

“Maaddaama uu yahay Fayras cusub, hadda waxaa jira laba sheybaar oo loo soo diro gobolka Afrika kuwaas oo leh awoodaha loo baahan yahay in lagu sameeyo baaritaannada noocaas ah,” ayaa lagu ydihi warkaan.

Hay’adda caafimaadka waxay sheegtay in ay in ka badan 20 waddan u dirtay qalab caafimaad oo awoodda baarista cudurkaan, kuwaas oo la geeyay garoomada diyaaraddaha ee dalalkaas.

"Waa muhiim in waddamadu ay dardar geliyaan diyaar-garowgooda gaar ahaan in la dejiyo habab baaritaan oo wax ku ool ah sida gagida diyaaradaha iyo meelaha kale ee muhiimka ah ee laga soo galo si loo hubiyo in kiisaska ugu horreeya si dhaqso leh loo ogaado," ayuu yidhi Agaasimaha Gobolka ee WHO, Dr. Matshidiso Moeti.

Ma jiraan kiisas la xaqiijiyey oo ku saabsan fayraska dilaaga ah oo laga helay qaaradda Afrika illaa iyo xilliga warbixintan ay soo baxday, inkastoo Wasiirka Caafimaadka ee Itoobiya, Lia Tadesse ay sheegtay in afar kiis oo suurogal ah ay jiraan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]