4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 1 , 2020
Aqalka Sare oo maanta dood ka yeelanaya sharciga Doorashooyinka Qaranka

 

Sabti,Feberaayo, 01, 2020 (HOL)- Golaha Aqalka  Sare ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta Dood adag ka yeeshaan sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ay horay u meelmariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka

Golaha horay guddi ugu saaray sharciga ka soo baaraandega ayaa   Arbacadii dib ugu soo celiyay Golaha, si loo ambaqaado akhrinta labaad, isla markaana laga doodo.

Xildhibaannada Aqalka sare ayaa la filayaa in kulankooda maanta uu saacado badan qaato madaama Doodda ku saabsan sharcigan ay noqon karto mid adag oo siweyn loo lafaguro.

Xildhibaananada Aqalka Sare ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo  Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]