Sabti, Feberaayo, 01, 2020 (HOL)-Dowladda Biritan ayaa ugu danbeyntii si rasmi ahaan uga baxday Midowga Yurub kadib markii dadweynaha waddankaasi ay u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub.
Fagaare ku yaala Xarunta Baarlamanka ee dalkaas ee magaalada London waxaa soo buuxiyay dad badan oo taageersanaa in laga baxo midowga, waxaana ay tirinayeen ilbidhiqsiyada ka haray wakhtiga oo markii ay saacaddu 12 habeenimo gaaray damaashaad ballaaran dhigay.
Dowladda Britain waxaa ay Yurub ku biirtay sannadkii 1973-dii, waxaana sannadihii
ugu dambeeyey aad u xoogaystay dadwyenaha reer Britain ee ka
biyo-diidsan awoodda Midowga Yurub ee arrimaha gudaha ee waddamada
xubnaha ka ah.
UK waxay dalal badan oo caalamka kala hadli doontaa heshiisyo ganacsi
oo ku aadan waxyaabaha laga iibsado iyo badeecadaha ay Britain ka soo
iibsan doonto dalalka caalamka.
Wixii hadda kahoreeyay looma oggoleyn Britain in ay heshiis ganacsi
la gasho dalalka Mareykanka, Australia iyo dalal kale, maadaama ay ka
mid ahayd Midowga Yurub.
Dadkii taageersanaa ka bixitaanka Yurub ayaa ku doodayay in ay helin
doonaa xoriyad ay dal walba kula ganacsan karaan, taasina ay sare u
qaadi doonta dhaqaalaha UK.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]