4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2020
Mahdi Guuleed oo raali galin ka bixiyay hadal tuhun galiyay doorashada
 

Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Raysal Wasaare ku xigeenka dowladda federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta raali galin ka bixiyay hadal uu horey saxaafadda ugasii daayay oo ku saabsanaa in doorashada soo socota uu madaxweyne Farmaajo wareega ugu horeeya ku guulaysandoono.

Hadalkaan ayuu raysal wasaare ku xigeenku ka sheegay magaalada Garowe halkaas oo uu ka socdo shir weyn oo ay isku arkeen dowladda iyo mucaaradka, kaasoo la isku weydaarsanayo aragtiyo xambaarsan sida Soomaaliya uga gudbi karo kumeel gaarnimada marka la gaaro sannadka 2025.

“Waxaan rabaa in aan Shirweynahan uga faa’iideysto in aan raalligelin ka bixiyo hadal aan horay u idhi oo ahaa, wareegga koobaad ayaa lagu kala baxayaa, Arrintaas xaal iyo raalligelin ayaan ka bixinayaa, Musharraxiiney raalli ahaada, Ha baqanina, ha cabsanina, wareeggii koobaad xaal baa laga bixiyay, Garoonku waa noo wada furan yahay, ee soo diyaargarooba ” ayuu yiri Mahid Guuleed.

Murashixiinta mucaaradka ayaa hadalkaan ku sifeeyay mid ka turjumaya in dowladda qorshaheedu yahay in ay doorashada musuq maasuqdo islamarkaana hadalka mahdi Guuleed uu tusaale cad u yahay sida dowladdu damacsan tahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]