4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2020
Mahdi Guulleed'' Sida Farmaajo Guriga Cad looga saarayo sow in lagu heshiiyo ma'aha

 

Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo khudbad ka jeedinayay madasha Aragti Wadaag ee Machadka Heritage uu soo qabanqaabiyay ee ka soconaya  magaalada Garoowe ayaa sheegay in la fuliyo heshiisyadii doorasho ee la galay.

Khubadiisa ayuu inta badan ku soo qaatay Gabayo ay horrey u tiriyeen Abwaanno hore oo Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa si gaar ah isku dultaagay Gabeygii halku dhaggiisu ahaa ''Bal Yoow Garnaqi Doona''  isaga oo yiri hadda waxey arintu mareysaa Ninka Guriga Cad deggan ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Odayaasha ku gaafwareegaya ''Bal Yoow Garnaqi doonna'' 

Mahdi Guulleed ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo looga saaro guriga waa in marka hore lagu heshiiyaa, '' Si Guriga looga soo saaro Farmaajo sow in laga heshiiyo ma'aha, haddii lagu sii jirayana sow in laga heshiiyo ma'aha, sow in guriga Albaaba laga soo gallo aan daaqada laga soo galin ma'aha'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mahdi Maxamed Guulleed Khadar.

Dowladda Federaalka ayuu sheegay in mar walba ay diyaar u tahay hergalinta dhamaanba heshiisyadii laga gaaray Doorashooyinka, taa badalkeedana dhinacyada ay quseyso laga doonayo in ay dhankooda fuliyaan wixii heshiiska ka quseeya doorashada.

Wuxuu ugu danbeyntii Baarlamaanka Soomaaliya ku aamaanay meelmarintii miisaaniyad sanadeedka 2021, taasoo ay ku jirto ayuu yiri miisaaniyada doorashada, 

''Anisixnta miisaaniyada uu baarlamaanku meel mariyay waxey muujineysa sida aynu dhankeena doorashada diyaar ugu nahay ''

Ugu danbeyntii Dastuurka mar uu ka hadlayay ayuu sheegay  in uu yahay hagaha aas-aasiga ee jiritaanka iyo kala dambeynta sharciyadda dalka, isla markaana uu yahay heshiis wax wada ogol ku saleysan muhiimna ay tahay in loo qalab qaato dhameystirkiisa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]