4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
WhatsAppka oo joojindoona adeega teleefoonada duuga ah laga bilaabo 1-Janaayo
 

Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Shirkadda WhatsApp ayaa shaacisay in taleefanada duug ah ay waayi doonaan gabi ahaanba helitaanka adeega WhatsApp ama astaamaha qaar ee ku jira. Dhibkaagu wuu yaraanayaa haddii telefoonkaaga iPhoneka uu ka sarreeyo iOS9 ama telefoonka Andriod 4.0.3.

Haddii aad haysato iPhone duq ah ama telefoon Andriod ah, waxaa laga yaabaa inaad lumiso adeega WhtsAppka gabi ahaantiisba ama qaybo ka mid ah adeega WhatsApp laga bilaabo 1-da Janaayo ee sannadka 2021.

Tani waxay ka dhigan tahay in dadka haysta iPhone 4 ama ka hooseeya aysan awood u yeelan doonin inay cusboonaysiiyaan softiweerkii ugu dambeeyay ee whatsapp-ka.

Qaar ka mid ah taleefannada Androidka duuga ah sida Samsung Galaxy S2 oo soo baxay sannadkii 2011, ayuu sidoo kale go’aankaan saameyn doonaa.

Shirkaddu waxay kula talisay dadka isticmaala adeegeeda inay hubiyaan nooca software ee ay haystaan haddii ay ka walwalsan yihiin inay saamayn ku yeelan karaan tallaabooyinka shirkaddu sameynayso bilowga sannadka cusub.

Haddii uu telefoonkaaga uu leeyahay software ka sarreeya iOS9 ama Andriod 4.0.3, ha ka walwalin in ay dhibaato kaaga timaado sannadka cusub.

Si dhibaataan aad uga hortagto, waxaa haboon inaad tagto xaruumaha laga hagaajiyo telefoonada si aad u hubsio in telefoonkaaga uu si caadi ah kuugu shaqeeyo WhatsAppka oo ah program aad muhiim u ah oo ay isticmaalaan dadka badan 2 bilyan.

Hiiraan Online