4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
Dowladda federalka Soomaaliya oo Puntland usoo tababartay ciidamo Booliis ah


Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa Puntland usoo tababartay ciidamo booliis ah oo qaabilsan nabad galyada waddooyinka oo loo yaqaano ciiddanka taraafikada.

Ciidamadan oo isugu jira rag iyo dumar oo tababarkaasna soo dhameystay ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe, waxaana soo dhowayn u sameeyay taliyaha ciiddanka bilayska Puntland, S/guuto Cabdi Xasan Xuseen (Gen Cabdi Yare).

Waa cutubkii u horeeyay booliska Puntland gaar ahaan laanta ilaalada wadooyinka (taraafikadda) oo tababar 5 bilood socday kusoo qaatay magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciiddanka booliiska Puntland wuxuu sheegay, in ciidamadani ay door weyn ka qaadan doonaan dib u dhiska iyo tayaynta ciidamada booliska iyo shaqada sugida amniga gaar ahaan hagida gadiidka isticmaala gudaha magaalooyinka.

Puntland ayaa baahi weyn u qabtay ciidamo dhalinyaro ah oo u tababaran nabad galyada waddooyinka, waxaana magaalooyinka waawayn oo ay gaadiidka kusoo badanayaan gaadiidka ku yar ciidamadii kala hagi lahaa saxmada gaadiidkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]