4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
Baarlamaanka Hirshabeelle oo meelmariyay miisaaniyad sanaddeedka 2021

 

Arbaco, December, 30, 2020 (HOL)-  Kulanka magaalada Jowhar ay maanta ku yeesheen xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayeey ku meelmariyeen miisaaniyad sanadeedka sanadka 2021ka.

Miisaaniyada waxaa horay u soo ansixiyay Golaha Wasiirradda KMG ee Hirshabeelle, iyadoo markii danbana loo soo gudbiyay Golaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Xaaji Luqmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa xildhibaannada ka dalbaday in ay u codeeyaan miisaasiyada, iyadoo guud ahaan xildhibaannadii soo xaadiray 71 ka mid ah cod gacan taag ah ku ansixiyeen, Lamo mudane ayaa diiday halka mid kalana uu ka aamusay.

Fadhigga maanta ee xildhibaannada Hirshabeelle ayaa noqonaya Kalfadhiggii 1aad kulankiisii 12 aad , waxaana howlan oo dhan ay imanayaan xili wali khilaaf adag uu ka jiro hannaanka loo maray iyo sharciyada dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]