4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
Faahfaahin : Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhaxeeyo Al-shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dhaqdhaqaaqa Shabaab aay wadada u galeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo kusii jeeday degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Weerarkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa qaatay mudo ku dhaw hal saac sida ay Shabakadda HOL u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Mahan markii ugu horeysay ee weeraro noocaan oo kale oo dhabagal ah lagu qaado ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay fulineyso Al-shabaab

Dhinaca kale waxaa xiisad coladeed aay ka taagan tahay xadka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud kadib markii deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud 24-kii saacadood ee ugu dambeysay siyaabo kala duwan loogu dilay wadayaal gaadiid oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Galgaduud.

Dilalkaasi oo la xariira aanooyin qabiil ayaa saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka isaga kala gooshi jiray labadaasi gobol.

Dilalka la xariira aanooyinka qabiil ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ayaa in badan kusoo laablaabtay xadka ay wadaagaan labadaasi gobol iyadoo marar badana laga heshiiyay colaadan ku saleeysan qabiiliga oo marwalba dib usoo cusboonaato.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]