4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
Musharixiinta madaxtinimada oo shirar gaar gaar ah ka billaabay Garowe

Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Murrashixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah ka billaabay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo ay u  yimaadeen shirka hay’adda Heritage ku qabanayso.

Afhayeenka murashixiinta, Ridwaan Xirsi Maxamed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay kulankooda ugu horeeyay in ay la qaateen madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen dareenka ku xeeran doorashada.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ay madaxweyne Axmed Madoobe iskusoo hadal qaadeen arrimaha ka taagan Gedo, iyagoo ku taageeray in loo madax bannaaneeyo inuu maamulo doorashada ka dhacaysa Gedo.

Ridwaan Xirsi wuxuu sidoo kale sheegyay in ay la kulmidoonaan madaxda kale ee ku sugan shirka Garowe ayna rajo weyn ka qabaan in shirka Heritage ay kasoo baxaan tallooyin dhaxagal ah.

Xukuumada federalka Soomaaliya ayaa shirkaan u dirtay wafdi uu hoggaaminayo raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guleed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]