4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
Wasiir Duraan Faarax oo Kulan la qaatay Guddoonka guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dawladda

Arbaco, December, 30. 2020  (HOL) -  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax  ayaa maanta kormeeray xarunta Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

Wasiirka ayaa inta uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan looga hadlay daddar-gelinta shaqooyinka hor tebinta leh ee guddiga la qaatay guddoomiyaha guddiga iyo xubnaha guddiga.

Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda ayaa mas’uul ka ah Maamulka iyo maareynta Shaqaalaha Rayidka Dawladda,iyadoo Guddoomiyaha guddiga, Mudane Xasan Abshirow Maxamed uu sheegay inay dadaal ku bixinayaan sidii loo horumarin lahaa Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

“Wasiirka waxaan uga mahadcelinaynaa booqashadiisa maanta ee uu halkan ku yimid , waxay tilmaam ka bixinaysaa sida ay uga go’antahay hadalladiisa uu ku cel celiyay ee la xiriira in Shaqaalaha Rayidka ay noqdaan kuwa ugu awoodda iyo horumarka wanaagsan dalka.” Ayuu yiri guddoomiye Abshirow.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa xaqiijiyay in dadaallada horumarinta Shaqaalaha Rayidka ay noqon doonaan kuwa ka soo muuqda xarunta Dawladda.

“Shaqaalaha Rayidka waxay qeyb ka yihiin tiirarka muhiimka u ah qaranka iyo muwaadiniinta – waxa aan diiradda saareynaa in lagu xoojiyo tiknoolajiyada,xirfadaha iyo horumarintooda ,si ay u noqdaan kuwa laba jibbaara dadaallada naf hurka ah ee ay dalka u hayaan.” ayuu raaciyay.

Wasiir Duraan, ayaa sidoo kale ku ammaanay Shaqaalaha Rayidka doorka muuqda ee dib u dhiska dalka, waxaana xarunta guddiga uu ku howlgallo xilliga kormeerka ka socday Is-xilqaan oo ah hindise dib loogu dhisayo xarumaha muhiimka ah ee Dawladda iyo kuwa u adeegga Bulshada.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]