4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
Mudaharaad ku wajahan ganacsatada oo suuqyada laascaanood xidhay


Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Isu soobax mararka qaarkood rabshado isu bedelayey ayaa saaka ka bilaabmay magaalada Laascaanood xaruunta gobolka Sool.

Isu soo baxan ayaa waxa soo abaabuley ganacsatada yaryar oo ay ugu bindhaan dheeraayeen Hilibleyda iyo Khudaarleyda, kuwaas oo ka cabanayey diidmada shilinka Soomaaliga.

Mudaharaadayaasha ayaa xooga saaray ganacsatada waaweyn ee iyagu wax soo dejiya kuwaas oo ah kuwa bilaaba joojinta iyo sicir kordhinta lacagta Soomaaliga ah oo marba marka ka danbaysa khadka ka sii baxaya.

"Dhibaatadu waxa ay ku dhaacaysaa anaga iyo dadka guryaha jooga oo lacagta dalka wata, xagay ka keenayaan dadka miyiga ka imaanaya, hadaan suuq weyno kuwa dhibka wadaana la eegan maayo" sidaa waxa HOL u sheegtay Seynab Maxamuud oo ka mid ah dadka Hilibka ka ganacsada.

Kumanaan ciyaal ah ayaa wadooyinka ku faafay iyagoo dhagax ku kulminaya goobta ganacsi ee albaabkeeda la furo, kuwaas oo sababay in dhamaan wadooyinka waaweyn albaabada loo laabo.

Ciidanka booliska ayaa la arkaayey iyagoo kala dareerinaya dadka isku soo baxay, inkasta oo mararka qaarkood ciidanka laftiisa ay u gacan qaadayeen hadana ma jirin wax jawaab ah oo ciidanku bixiyeen waxaana mararka qaarkood ay isku deyayeen sidii ay u kala furfuri lahaayeen taas oo inteeda badani u suuragashay.

Ganacsatada wax soo dejisa ayaa sheegaya in aanay hayn meel ay lacagtan geeyaan, waxana ay ku cudur daaranayaan inta xal loo helayo ay ku adag tahay in ay qaataan.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Laascaanood ayaa illaa hada xidhan dadkuna wadooyinka ayay marayaan iyagoo eeganaya albaab furan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood