4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
Wasiir Bayle: Waxaan dalka u diyaarinay nidaamka maaliyaddeed oo aysan cidna ku tagri fali karin hantida ummada
 

Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in ay diyaariyeen nidaam maaliyaddeed oo ka hortagaya in ay cidi kaligeed ku tagrifasho hantida dowladda ee dadweynuhu leeyihiin.

Wasiirka maaliyadda wuxuu sheegay in nidaamka ay dowladda kala shaqeeyeen beesha caalamka oo taageero ku bixisay sidii looga hortagi lahaa in dhaqaalaha caalamku siiyo Soomaaliya uusan ku dhicin jeebka wasiir ama cid kasta oo dowladda katirsan.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay in cid alle ciddii timaada in ay ku qasban tahay in ay marto nidaamkaas. Anigoo wasiir ah xitaa awood uma lihi inaan kaligay wax dhihi karo, wayna dhamaatay anaa iri” ayuu yiri.

Wuxuu wasiirku sheegay nidaamkaan inuu ahaandoono nidaam kamid ah nidaamka maamulka maaliyaddeed oo uu barlamaanku meel mariyay ayna dhaxlidoonaan dowladdaha ka dambe ee soo socda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]