4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
Dowladda Itoobiya oo gacanta ku dhigtay gantaalo lagu qariyay qeybo ka mid ah magaalada Mekelle

 

Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Saraakiisha cidianka difaaca Qaranka dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay helleen ama gacanta ku dhigeen gantaalo lagu qariyay qeybo ka mid ah magaalada Mekelle ee gobolka Ismaamulka Tigreyga.

Gantaalahan oo gaaraya ilaa 13 ayeey saraakiishu sheegeen in ay ahaayeen kuwa ridada dheer oo ay TPLF mar u adeegsatay gobollada Bahar Dar iyo gobolka Amxaaradda intii uu socday dagaalkii Waqooyiga Itoobiya.

''Waxaa sidoo kale aragnay saduuqyo laga isticmaalay gantaalo ilaa 7 xabo ah kuwaa oo loo maleynayo in ay u adeegsadeen dagaalladii dhawaantan ka dhacay gobolka'' ayeey sheegeen saraakiishu.

Ciidamada Qaranka Itoobiya ayaa toddobaadyo ka hor la wareegay gacan ku heynta gobolka oo muddo dheer ay ka ariminayeen xoogagga TPLF ee ismaamulka Tigreyga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]