4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2020
Nooc cusub oo feyruska Corona ah oo ku faafaya dunida

 

Arbaco, December, 30. 2020 (HOL)- Cabsi kale oo hor leh ayuu ku abuurayaa dunida noocan cusub ee feyruska Corona oo calaamadihiisa lagu arkay qeybo ka mid ah caalamka.

Kiiskan cusub ee feyruska oo ah mid si deg deg ah u fidiya ayaa durmaba laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah dalalka India iyo Paskistan  oo ay xaqiijiyeen dhakhaatiirtu in ay jiraan dad laga helay.

Sidoo kale dalka Mareykanka ayaa laga soo warinayaa in laga helay isla noocan cusub ee feyruska oo markiisii hore ka soo bilaawday dalka Britain.

Waa nin dhalinyarro ah oo ku jiray da'da labaatameeyada, qofkan dalka Mareykanka laga helay nooca cusub ee Corona.

Dhinaca qaaradda Afrika, waddanka Koonfur Afrika ayaa looga dhawaaqay bandhow dhaqdhaaqaaqa dadweynaha ah kaddib markii la helay kiisas ka mid ah nooca cusub ee fayraska, kuwaasoo si deg deg badan u fidaya.

Ilaa iyo hadda lama oga halka uu feyruskani salka ku hayo, laakiin meelaha qaar waxaa la hadal hayaa tallaalka cusub oo ilaa iyo hadda dad badan lagu muday, inkastoo aan xaqiiq loo heyn in tallaalkan uu watto feyruska cusub

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]