4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2020
Dhul Gariir ku dhuftay bartamaha dalka Croatia ee qaaradda Yurub

 

Arbaco, December, 30. 2020 (HOL)- Inta la xaqiijinayo ilaa 7 qof ayaa ku dhinatay tiro kala oo ka badan 20 kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray  dhul-gariir Talaadadi ka dhacay bartamaha dalka Croatia ee qaaradda Yurub.

Lixaadka dhulgariirkan ama cabirkiisa oo lagu sheegay 6.4 ayaa  siweyn looga dareemay wadamo dhowr ah oo daris la ah  dakja Croatia

Wararku waxaa intaa ku darrayaan in xadiga dhlgariirkan laga dareemay caasimadda Croatia ee Zagreb iyo caasimadda Austria ee Vienna halka dalka deriska la ah ee Slovenia uu xiray warshadda kaliya ee niyukleerka sameysa, si looga dhowrsado khasaare uu sababo dhulgariirka.

Ilaa iyo hadda waxaa socoanay baadigoobka dadka ku hoos jira burburka guryahay soo dumay sida ay sheegeen kooxaha badbaadada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]