6/13/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2020
Faah faahin ku saabsan Sarkaal ka tirsanaa CIAda Mareykanka oo lagu dilay Soomaaliya


 

Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka sarkaal ka tirsanaa CIAda Mareykanka oo  ku dhintay howlgal ka dhan ahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo loo maleynayo in uu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay Askari Mareykan ah oo ka dhacay Kenya sanadkii hore

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa howlgal wadajir ay u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay deegaanka Gandarshe oo qiyaastii 30km dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho.

“Saraakiisheenna oo taageero ka helaya saraakiisha Mareykanka. Waxaan ku duulnay 2: 00 am habeenimo. diyaarado oo askarteena waxay lug ku tageen duurka ka hor inta uusan qarax weyn dhicin oo lagu dilay  saaxiibkeen Mareykanka ahaa  iyo afar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ayuu yiri ” Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Weerarkaas lagu qaaday Gandarshe ayeey saraakiishu sheegeen in uu ahaa mid fashilmay'' 40 daqiiqo kaddib waxey noqotay in aynu dib u guranno annaga oo aan gaarin ujeedadeennii''

Inta udhaxeysa 650 ilaa 800 oo askari oo Mareykan ah ayaa ka howlgalaya Soomaaliya, sida ku cad tirakoobyadii ugu dambeeyay ee la sameeyay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    















Click here
12/3/2020 12:32 PM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) -Somaliland ayaa war ka soo saartay magacaabistii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay Yuusuf Garaad Cumar Axmed Ergeyga gaar ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

12/3/2020 7:13 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada Federaalka Soomaaliya Janaraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa soo gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

12/3/2020 3:22 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Xeer ilaalyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan, ayaa sheegay inuu dacwad kusoo oogayo 8 xildhibaan oo katirsanaa barlamaanka Puntland, kuwaas oo laga xayuubiyay xasaanadoodii.

12/3/2020 2:30 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Baarlamanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xasaanada kala laabtay tiro 8 Xildhibaan ah oo lagu soo eedeeyay falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka Anshaxa gollaha wakiiladda dowladda Puntland.

12/3/2020 1:40 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Qorshe xilka looga qaadayo xildhibaano katirsan Puntland ayaa saaka ka socda magaalada Garowe, kadib markii 35 xildhibaan oo kamid ah barlamaanka ay saxiixeen mooshin xil ka qaadis ah.

12/3/2020 12:49 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL)-Dhacdadan oo intii ka war-heshay aad uga argagaxeen ayaa Nin magaciisa lagu sheegay Cabsiiye Caddaan waxaa uu torreey ku dilay Hooyadii gurigooda oo ku yaala degmada Kaaraan meel aan ka fogeyn isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho.

12/3/2020 12:33 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Munaasabad lagu qabtay Xerrada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa tababar laguu soo xiray cutubto ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab,