4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Bandhigga Buuggaagta Hibbo iyo Hal-abuur oo ka bilaabmay magaalada Laascaanood
 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Munaasibadan oo loogu talagalay wax soo saarka dhalinyarada ayaa waxa sanadkii labaad magaalada Laascaanood  ku soo bandhigay hay'adda wadaniga ee SVO.

Gudoomiyaha hay'adan Cabdikariin Siciid Aw Cabdi oo furitaankii hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay in si ay taxadar uga sameeyaan xanuunka COVID-19 ay yareeyeen ka soo qaybgalayaashii iyo weynayntii barnaamijkan si aanay fure ugu noqon dhibaato baahda, waxaanu balan qaaday in sanad kasta ay kor u sii qaadi doonaan.

"Waxaan bandhigan Hibo iyo Hal-abuur ugu talagalnay dhalinyarada 25 jir ka yar si ay u helaan dhiirigelin" ayuu yidhi gudoomiyuhu isagoo intaas raaciyey inay is garab taagayaan halabuurka wakhtigu u saamixi waayey soo bandhigida waxa ka guuxaya maankooda.

Bandhigan oo lagu qabtay Hotel Casuura oo ku yaal waqooyiga magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo dhamaantood ka hadlay faa'iidooyinka barnaamijkani u leeyahay barbaarta khaasatan kuwa caqliga u saaxiibka ah.

Maalmaha soo socda oo uu sii socon doono ayaa waxa goobta ka muuqanaayey alaabooyin badan haba u badnaado bugaagta.

Dhinaca kale ciidanka Booliska ayaa baadigoob ugu jira nin habeenimadii xalay haweeney ku diley duleedka koonfureed ee Laascaanood.

Sida uu HOL u sheegay Isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta ninkan ayaa horey u qabijirey gabadhan oo hal cunug u lahayd ayuu ku andacoon jirey in sifo qaldan lagaga furay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood