4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Dallada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya (SONSA) oo sharci darro ku tilmaamtay kala diristii rugta ganacsiga Soomaaliya
 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Dallada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya (SONSA), ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay go’aankii wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ay ku kala diray rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay SONSA ayaa lagu sheegay tallaabada lagu kala diray rugta ganacsiga in ay ka hor imaanayso sharciga ay ku dhisan yihiin hay’addaha aan dowliga ahayn.

Waxay dalladu ugu baaqday wasaaradda ganacsiga Soomaaliya in la ixtiraamo sharciga, faragelintana laga daayo hay’addaha madaxa bannaan ee ka shaqeeya arrimaha bulshada.

SONSA waxay ka digtay tallaabo kasta oo horseedi karta burbur iyo in kalsooni xumo laga dhex abuuro ganacsatada Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka SONSA.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]