4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Guddiga doorashada heer federal oo dib u dhigay jadwalkii doorashada aqalka sare
 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Guddiga Doorashooyinka dad ban ee Heer Federaal ayaa shaaciyay isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashada Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddiga oo soo saaray warbixin kooban ayaa la wadaagay Madaxda Dowlad goboleedyada in qabashada codsiyada murashixiinta aqalka sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan ayuu guddigu sheegay inuu ku yimid codsi uu guddiga Doorashooyinka usoo jeediyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo codsaday in dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Madaxweyne Qoorqoor oo Garowe ku sugan ayaa ku howlan inuu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee dhinaca doorashada, isagoo dhawaan Gaalkacyo kula kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.  

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]